Inta badan Madaxweynayaasha dowled goboleedyada dalka ayaa soo gaarey Magalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Shiikh Maxamuud.
Axmed Maxamed Islaam, Cali Cabdullaahi Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta Garreen ayaa yimid Caasimadda waxaana lagu wadaa in saacdaha soo socda ay Magalada soo gaaraan Madaxweynayaasha Gal Mudug iyo Puntland Axmed CabdinKaariye QoorQoor iyo Saciid Cabdullaahi Deni.
Dhinaca kale wafuud caalami ah ayaa soo gaarey Magalada iyada oo ay Madaxda dalalka intooda badani beri soo gaari doonaan Magalada Muqdisho si ay u weyneeyaan caleema saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Soomalaiya.














