Guddoomiyaha Degmada Kaxda oo ka digay in hub lagu dhex-qaato Gudaha Degmadaas: MUUQAAL

0
482

Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka digay in hub lagu dhexqaato gusaha degmadaas, waxa uuna shacabka degmadaas ku boorriyay inay la shaqeeyaan ciidamada loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan xasilinta caasimadda.

“Ma jirto cid laga aqbalayo in hub sharci-darro ah lagu dhax-wato gudaha Degmada, ciddii lagu helana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha oo sheegay inay sharciga tiigsanayaan cid walba oo loo arko inay carqabad ku tahay amniga degmada.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdillaahi ayaa sheegay in laga ogol yahay degmada uu yahay oo keliya kan ay wataan ciidamada sugaya amniga degmada, qori kalena aan laga ogoleyn. Waxa uuna intaas raaciyay in hubka ay wataan mas’uuliyiin booqanaya degmada la baari doono inuu yahay sharci iyo in kale.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Kaxda ayaa sheegay in aanay jirin cid laga yeelayo inay ku andacoodaan ciidamada sugaya amniga aniga ayay ii dan leeyihiin. Waxa uuna ugu baaqay maamulka Kaxsa in laga shaqeeyo amniga degmada si ay u noqoto suurogal in degmada lasoo dago lana maalgashado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here