Agaasimaha cusub ee waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar Cabdulqaadir Axmed Maxamed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kaasoo uu dhawaan u soo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).













