Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shir guddoomiyay kulanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda hoose ee xamar.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray arrimo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan hawlgallada amni-sugidda ah ee sida weyn maalmihii lasoo dhaafay uga socday Muqdisho, isku-dhafka ciidanka amniga iyo dib u dajintooda, arrimaha maarynta mooto bajaajta oo dhawaan habraac laga soo saari doono iyo u diyaar garowga maalmaha ciidda ee foodda nagu soo haya.</span;>
Ugu dambeyn, Waxaa kulanka goob-joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada Muqdisho.














