Maamulka G/Banaadir oo ka Qayb-galay kulan looga hadlay Manhajka Xannaanada Carruurta: SAWIRRO

0
287

Wasaaradda Waxbarashada XF Soomaaliya ayaa Isniintii shalay qabatay wadatashi ku saabsanaa qaab-dhismeedka manaahijta Qaranka ee xannaanada carruurta.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galay Bah-wadaagta kala duwan ee waxbarashada iyo wasaaradaha ay khuseyso sida: wasaaradaha diinta iyo owqaafta, caafimaadka, horumarinta haweenka, agaasimayaasha manaahijta iyo adeegga waxbarashada ee dowlad-gaboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale kasoo qayb-galay oo talooyin muhiim ah soo jeediyay dalladaha waxbarashada iyo xannaanooyinka ka shaqeeya magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa la iskula gartay in manhajka xannaanooyinka carruurta ay noqdaan kuwo kor u qaadi kara garaadka carruurt si loo helo jiil aqoontooda wax kaga beddeli kara dalkooda hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here