Dowladda FS oo amartay biyo dhaamin loo sameeyo dadka ay saameysay abaarta gobolka Gedo

0
493

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in gurmad deg deg ah ay u bilaabeyso dadka ay saameysay abaarta gobolka Gedo, kuwaas oo ku sugan xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay gudigooda ay amreen maamulka gobolka Gedo sidii biyo dhaamin loogu sameyn lahaa dadka ku sugan deegaanada qeylo dhaanta ka timid ee gobolka Gedo.

Wasiir Khadiija ayaa sidoo kale sheegtay inay dawlada soomaaliya mar kasta ku dedaaleyso udhego nuglaanshiyaha dadkeeda si loo caawiyo.

Wafdi ka socday Dawlada Federaalka Soomalaiya ayaa shalay deeq lacag ah oo gaareysay 100 kun dollar ku wareejiyey gudiga ka hortega abaaraha ee gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here