Maamulka Gobolka Banaadir ayaa banbax isugu jira u mahadcelinta iyo dhiirri-gelinta ciidamada sugaya ammaanka caasimadda caawa ku qabanaya degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaasoo ahayd halkii ugu ammaanka xumayd Caasimadda oo haatan amni loo riyaaqay uu ka jiro, sida ay sheegeen mas’uuliyiin kala duwan.
Banbaxan isku dhafan ayaa waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul Wasaaraha XFS, qaar ka mid wasiirradiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, Ku-xigeennadiisa, agaasimayaal, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, Haweenka Degmooyinka Muqdisho iyo marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarqab oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay inay u mahadcelinayaan ciidamada Qaranka ee loo igmaday in ay xasiliyaan Caasimadda, iyadoo sheegtay inay taas ku guuleysteen, waxa ayna xuatay in ay caddeyn buuxda u tahay ammaanka ka jira degmooyinka kala duwan ka jira.
Dhanka kale, waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah haweenka Gobolka Banaadir oo sheegay in ciidamadan ay dagaal adag la galeen kooxihii amni-darrrada ka waday Muqdisho, sida ciyaal-weerada iyo kooxaha Khawaarijta, iyagoo sheegay in ciidankan la’aantood aan la haysteen ammaanka caawa loogu mahadcelinay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.


















