Guddomiye Cumar Filish oo ka tacsiyeeyay geerida Sh.Shariif Sh.Muxidiin Cili

0
488

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) yaa tacsi tiiraanyo leh u diray Umadda Soomalaiyeed gaar ahaan Ehelka, Asxaabta, Qaraabada iyo Qoyskii uu ka baxay AUN Shiikh Shariif Shiikh Muxidiin Celi oo Muqdisho ku geeriyoodey.

Guddoomiye Cumar ayaa sheegay in Marxuumku ahaa daaci naftiisa iyo maalkiisa u hurray fidinta diinta Islaamka, waxa uuna Alle uga baryey in uu janadii Firdowza ka waraabiyo Ehelka, Qaraabada iyo Qoyskana sabar iyo Iimaan Ka siiyo.

Shiikha oo door lama ilaawaan ah ka soo qaatay nabadeynta Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho mudooyinkii dambana ku xanuunsanaa deegaankiisa ayaa noqday burburkii dalka ka dib Guddoomiyihii guud Hirgelinta shareecada ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here