Agaasimaha Waaxda Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Hoose ee Xamar, Mudane Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay Madaxa Horumarinta Hawlaha guud ee hay’adda USAID Soomaaliya Mrs Sharon Hester, iyagoo kawada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:
- Shaqo abuurka dhallinyarada.
- Taageeradda dhinaca wax soo saarka beerha, xoolaha iyo kalluunka.
- Taageerida ganacsatada yaryar.
- Horumarinta mashruuca IRiS oo xoogga saari doono maalgelinta dadka danta yar kana taageera dhinaca wax-soo-saarka kalluunka ee Gobolka Banaadir.
Ugu dambwn, Kulanka gunaanaskiisii ayaa la iskula gartay in lasii dhaqaajiyo fulinta qodobbadii lagu ballamay.














