Shir looga hadlay Amniga Caasimadda oo ka dhacay Taliska Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
169

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa guddoomiyay shir loogu hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda oo ay kasoo qaybgaleen dhammaan saraakiisha amniga caasimada qaybahooda sida; booliska, NISA iyo Booliisiyo Millataare.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin iyo taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, Gaashaanle sare Cabdifataax Shaaweeye ayaa shirka kusoo bandhigay warbixin ku aaddan horumarrada dhinaca amniga ee caasimadda iyo qorshaha sugida amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadi, mudan Yabooh ayaa saraakiisha qaybaha iyo fadhiyada kala duwan ee booliiska, Nabadsugidda iyo booliisiya millataare ku boorriyay adkeynta amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada si loo xaqiijiyo dadaallada kor loogu qaadayo ammaanka guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here