Taliyaha Sirdoonka Dalka Kenya oo Muqdisho u jooga Kulammo la xiriira dagaallada ka dhanka ah Argagaxisada

0
266

Taliyeyaasha sirdoonka ee Soomaaliya iyo Kenya, Mahad Salaad iyo Nuuradiin Xaaji oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay uga hadleen xiriir wada-shaqeyn oo dhexmara labada hay’adood.

Taliyaha Sirdoonka Kenta, Nuuradiin Xaaji ayaa shwegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo sidii Sirdoonka Somalia ay uga wada-shaqeyn lahaayeen dhinacyada; amniga, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo is-dhaafsiga xogaha la xiriira kooxaha argagixisada ah.

Nuuradiin Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu la kulmi doono madaxda sare ee dalka oo uu sheegay inuu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dowladood u dhexeeya, si la isaga kaashado ciribtirka Khawaarijta oo ay Dowladda Somalia horay u billowday dagaalka lagu suulinayo.

Sidoo kale, Socdaalka taliye Nuuradii ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii dhawaa ay kordheen weerarrada ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya, kuwaasoo lagu dilay dad badan oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.

Weerarrada Alshabaab ee gudaha Kenya ayaa la sheegay inay dib dhaliyeen inay Kenya furto xaduudda ay la wadaagto Soomaaliya, sida uu todobaadkan sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Kenya, Kithure Kindiki.

Dhanka kale, Bishii shanaad ee Sanadkan waxay labada dowladood ay ku heshiiyeen in dib loo furo muddo 90 casho gudahood ah xudduudaha; Mandheera, Liboi, iyo Kiunga, kuwaas oo xirnaa tan iyo 2011-kii, markaas oo Kenya ay ciidamadeeda u soo dirtay Somalia, si ay gacan uga geystaan la-dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kithure Kindiki ayaa bartiisa Twitter ku sheegay in dowladdiisu ay dib u dhigtay qorshaha gabagabada ah ee dib loogu furayo xuduudaha Kenya iyo Somalia si wax looga qabto weerarrada Alshabaab ay geysanayso iyo dambiyada ka dhaca xudduudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here