Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale oo tagay deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabeellaha Dhexe: SAWIRRO

0
405

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan xildhibaanno ka tirsan BFS, kan maamulka Hirshabelle, saraakiil iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa gaaray deegaanka Daaru-nicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe oo ka mid ah deegaannada istiraatiijaga ah ee laga saaray kooxaha khawaarijta.

Mas’uuliyiinta ayaa deegaanka Daaru-Nicma ee hoostagta degmada Ruun-nirgood u tagay sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladaha nololeed iyo amni ee ka jira halkaas, waxa ayna goob fagaare ah kula hadleen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa difaaca shacabka ee hawlgallada sifeynta kooxaha khawaarijta ah ka wada deegaannadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here