Guddoomiye ku xigeenka Amniga degmada Deyniile Cabdulqaadir Faracadde oo la hadlay Idaacadda codka Caasimadda kadib Qarax Miino oo ka dhacay degmadiisa ayaa sheegay in Miinada lagu aasay meel suuq ah oo ay dadku isugu yimaadaan.
Mr. Faracadde waxa uu bulshada ka codsaday iney u soo gudbiyaan waxyabaaha Amniga lidiga ku ah oo ay la kulmaan si meel looga soo wada jeesto qataraha ay cadowgu maleegayaan.













