Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan is-haysadka iyo fulinta dhinaca dhulalka ah.
Duqa Muqdisho ayaa yiri: “Waxyaabaha baryahan la isla dhexmarayo ee ay saxaafadduna iska soo qaadanayso, iyagoo aan wax xaqiijin sameyn ayaa magaalada kusoo badatay baryahaan, taas ayaana keentay inaan shirkaan jaraa’id u qabanno si aan uga jawaabto.”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku daray hadalkiisa inay go’aansadeen inay ka hadlaan hadallada kala duwan ee la isla dhexmarayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhismaha Kaasa Itaaliya iyo dadka ka qaylinaya Gubadleey iyo Waxara-cadde.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya sida aad la socotaa waa dowlad ay shacabku soo doorteen oo baarlamaani ah, loona doortay inay dad u qidmeyso. Dowlad waa garsoor iyo fulin, marka sidaan la soconno waxaa jira in badan oo ka mid ah dhulalkii danta guud ee dowladdu lahayd iyo kuwii gaarka ahaa ee safaaraduhu ay lahaayeen, intooda badanna waa la dagay, waxaana waajib ah in markii ay hay’adahaas u baahdaan in loo banneeyo meeshii ay ku shaqeyn lahaayeen, markii laga saarayo dadka daggan in la yiraahdo innaga ayaa naloo dan leeyahay ma ahan wax la aqbali karo,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Haddaba, DHAGEYSO shirka jaraa’id ee guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.













