Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa CA oo Xasan Aadn Yabarow (wiish) u doortey inuu xeer ilaaliyo ka noqdo cayaarta Confederation Cup ah oo ay wada cayaarayaan labada kooxood KIPANGA FC(Zanzibar) VS Club Africain (Tunisia),taas dalka Zanzibar ka dhici doonto maalinta sabtida ay taariikhdu tahay 8 Octoober.
Maalinta Sabtiga ayaana la filayaa in Uu Kulankaasi Weyn Ka Noqdo Xeer ilaaliye.
Mudane Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa ah Guddoomiyaha Cayaaraha Maamulka Gobolka Banaadir Waxaana uu Sharaxan Yahay Madaxweynaha Xiriir Kubadda Cagta Somalia Oo Dhawaan Doorashadiisa lagu Qaban Doono Magaaladda Muqdisho.













