Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in adeegyada bulshada la gaarsiin doono deegaannadii laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana gwyn doono ciidammo booliis ah oo suga amniga deegaannadaas.
Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumada Federaalka Somalia, Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in Dowladdu ay waddo in laga dhiso deegaannada aan saldhigyada lahayn, kuwii horay u lahaana loo dayac-tiro.
“Waxaan wadnaa qorshayaal aan doonayno in deegaannadii laga xoreeyay Alshabaab looga sameyn lahaa saldhigyo amni, sidoo kalena loo geyn lahaa ciidammo xasilinta deegaannadaas ka qaybqaata,” ayuu yiri Wasiir Xagaa oo ka hadkayay kulan ay Muqdisho kula yeesheen saraakiil ka socday Ururka Midowga Yurub.
Dhanka kale, Wasiir-u-dowlaha ayaa ka dalbaday xubnaha Midowga Yurub ka socda inay gacan ka geystaan sidii degmooyinka Caasimadda loogu dhisi lahaa saldhigyo cusub, maadaama aysan ku filnayn saldhigyada hadda ku yaalla.
Ugu dambeyn, Hadalka Wasiirka ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dowladda federaalku ay horay u sheegtay inay waddo qorahe adeegyada aasaasiga ah lagu gaarsiinayo deegaanada laga xoreeyay Argagaxisada, inta uusan si buuxda u billaaban wajiga 2-aad ee dagaallada lagula jiro Khawaarijta.














