DUQA CAASIMADDA: Laga billaabo Maanta Waxa ay Shaqaalaha Gobolka Banaadir isku xaadirin doonaan Qalab cusub: MUUQAAL

0
385

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daah-furay barnaamijka xaadirinta shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo sheegay in wixii maanta ka dambeeya aab la is-weydiin doonin shaqaalaha soo xaadira shaqadadooda iyo kuwa ka maqnaada.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qalabka suulka uu saarayo qofka shaqaalaha ah uu yahay mid lagu kala bixi doono, isaga oo xusay in hadda la dhigay albaabka laga soo galayo Aqalka Dowladda Hoose iyo bartamaha xarunta. Waxa uu hadalkiisa ku daray in dhammaan waaxaha la geynayo qalabkaan.

Guddoomiye Madaale ayaa faray waaxda shaqada iyo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar inay kor-joogteyn ku sameyso qalabka, loona yeelo dad, si haddii cilladi timaaddo loo ogaado loona koontaroolo shaqaalaha habka ay isku xaadirinayaan.

Ugu dambeyn, Qalabkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay noociisa oo Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar laga hirgeliyo, waxaana tani ay meesha ka saari doontaa muranka iyo qabqabsiga shaqo ee horay uga dhex-jiray shaqaalaha G/Banaadir iyo Waaxaha ay ka kooban tahay Dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here