Cayaar adag oo ka tirsan horyaalka Premier League-ga Ingiriiska ee xalay dhexmartay kooxaha Man City iyo Arsenal ayaa waji cusub u yeeshay horyaalka Ingiriiska oo ay ka harsan yihiin shan kulan oo keliya.
Kooxda Man City ayaa xalay 4-1 uga badisay kooxda ay xifaaltamaan ee Arsenal oo loo saalinayay inay horyaalkan ku guuleysato, balse hoos u dhac weyn laga dareemayay cayaarihii ugu dambeeyay oo barbarro kusoo dhammaanayay iyo kulankii xalay oo laga badiyay.
Labadii gool ee uu dhaliyay, Kevin De Bruyne oo ay weheliyaan goolashii ay kala dhaliyeen, John Stones iyo Erling Haaland ayaa afka ciidda u daray Arsenal, rajadii ay horyaalka ka lahaydna dhulka la simay.
Tababaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa sheegay in saddexda kulan ee soo socda ee kooxdiisu ay la yeelanayso Fulham, Leeds iyo West Ham United ay go’aamin doonaan inay koobka horyaalka Premier League-ga ku guuleysnayaan iyo in kale.
“Waan la socdaa in saddexda kulan ee nagu soo fool leh ay muhiim noo yihiin, waxa aan ku dadaalaynaa sidii aan guul uga gaari lahayn, waayo hadafkeennu waa inaan markii shanaad koobka ku guuleysanno muddo lix sano gudahood ah,” ayuu Pep Guardiola xalay koox wariyeyaal ah ugu sheegay gudaha garoonka kooxdiisa.
Kooxda Manchester City waxaa u harsan toddoba cayaar oo ka tirsan horyaalka Premier League-ga, waxaase illaa hadda horyaalka laba dhibcood ku hoggaaminaysa kooxda Arsenal oo shan cayaar ay uga harsan tahay Horyaalka Premier League-ga.
“Cayaartoyda kooxda waa kuwo isku kalsoon. Waayo markii horyaalku billowga ahaa ee nalaga badinayay, waxaan ku oran jiray cayaartoyda Man City waqti ayaad haysataan ee niyad-jabka iska daaya… waayo waxa aan ku taamayay inaan guuleysanayno,” ayuu yiri Guardiola oo hadalkiisa ku daray. “Cayaartu waxa ay u baahan tahay khibrad, waxa keliya ee lagu xisaabtamana waa natiijo, xitaa haddii lagaa cayaar wanaagsan yahay.”
Dhanka kale, Macallinka Arsenal Mikel Arteta oo la hadlay koox wariyeyaal ah ayaa sheegay inay kufeen, balse ay kici doonaan, waxa uuna sheegay in guul-darradii ay Man City kala kulmeen ay dhaawac weyn u geysatay rajadoodii horyaalka.
“Xalay waxa ay ahayd habeen aad noogu u adag, waayo waxaa naga adkaatay koox cayaar wanaag lagu yaqaan, waana qirayaa inaan guul-darreysannay,” ayuu yiri Arteta.
Waxa uu hadalkiisa ku daray: “Jabkii na gaaray waan ka kabanaynaa, fiirinaana sidii aan ula tartami lahayn kooxdan iyo kuwa kale ee la midka ah, ma quusan doonno waanse dadaali doonnaa.”
Tababare Mikel Arteta ayaa hadalkiisa waxa uu kusoo xiray: “Shan kulan ayaa dhiman, wax walba waa ay dhici karaan, waxaana arkay waxyaabo badan oo dhacay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waa inaad taas rumaysannaa, waa inaan muraayadda isku eegno, aqbalnaana in aan guuldarro kala kulanay koox aan sahlanayn.”
Ugu dambeyn, Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa si aad u xifaaltama iyadoo kulankaan midkii ka horreeyay oo 15-kii Feberaayo 2023 dhex-maray labadan kooxood uu kusoo dhammaaday 3-1 ay ku adkaatay kooxda Manchester City.