Guddoomiyaha Degmada Kaxda oo kulan miro-dhal ah la qaatay guddiga Degmada: SAWIRRO

0
349

Guddoomiyaha Degmada Kaxda, Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan la qaatay guddiga Degmada Kaxda, kulankaan ayaa looga hadlayay dardar-galinta Amniga la dagaallanka Maandooriyaha iyo xashiishada.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ayaa kula dardarmay guddiga degmada inay ka shaqeyaan amniga degmada iyo la dagaalanka Maandooriyaha iyo wax walba oo caqabad ku ah anshaxa bulshada.

Kulankan ayaa daba-socda hawlgallada guddoomiyaha Gobolka Bananadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu ka wado Muqdisho kaasoo lagula dagaallamayo Maandooriyaha iyo dadka isticmaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here