Ergayga u qaabilsan Gobolka Banaadir Arrimaha Abaaraha iyo Barakacayaasha Marwo Yaasmiin Jaamac Xasan ayaa ka qayb-gashay shir heerkiisu sarreeyo oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA oo looga hadlayay dardar-galinta hawlaha gurmadka Soomaaliya iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka danta yar ee ku nool gudaha Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Shirkan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qayb-galay ergayaga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia ee arrimaha ilaalinta bulshada, Mudane Maxamed Cabdi Waare, wakiilo ka socday deeq-bixiyeyaasha, hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka ka shaqeeyo, mas’uuliyiin ka socotay Dowlad-Gobaleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo hay’adaha gargaarka ee maxaliga ah.
Ugu dambeyn, Waxa ay labada dhinac iyo deeqbixiyeyaashu ay isku afgarteen inay kor u qaadaan deeqaha ay ugu tala-galeen bulshada gargaarka ee Somalia si ay awood ugu yeeshaan inay u gurmadaan shacabka ku nool deegaannada fog-fog ee dalka.