Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda xafiisyada arrimaha bulshada, dib-u-dhiska iyo xuquuqul insaanka ee hoostaga xafiiska ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo hawlgalka ATMIS.
Kulanka ayaa loogu hadlay sidii maamulka Gobolka Banaadir iyo xafiiska ATMIS ay ugu wada-shaqeyn lahaayeen fulinta mashaariic horumarineed oo ay ugu horreyso dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska suuqayada, kawaannada iyo xarumaha danta guud ee loogu adeego bulshada.
Ugu dambeyn, Madaxa xafiiska dib-u-dhiska ATMIS, Mr. Andew ayaa sheegay in qorshaha ATMIS ee xasilinta iyo soo kabashada ay qayb ka tahay sidii dalka loogu fulin lahaa mashaariic horumarineed oo ay ugu horreyso kaabayaasha dhaqaalaha si loo helo kobac dhaqaale iyo bulsho isku filan.
















