Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mdane Xiireey Axmed Rooble oo ay wehliyaan Qaar ka mid Agaasimayaasha waxayaha kala duwan ee Gobolka Banaadir iyo Dowladda hoose ayaa xalay barnaamijka la tashiga dadweynaha oo uu ku baaqay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahana duqa Magalaada Muqdisho kala qeyb galay waxgaradka labada degmo ee Boondheere iyo Warta nabada, kaasoo ka dhacay xarunta degmada Boondheere.
Waxgaradka Degmooyinka Boondheere iyo Warta nabada ayaa soo bandhigay waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir, Waxeyna ku amaaneyn waxyaabaha la taaban karo oo uu Maamulka Gobolku ka qabtay labada degmo. Intaa la dib waxay waxgaradka labada degmo Maamulka Gobolka u gudbiyeen baahiyahooda.
Waxgaradka ayaa Muhiimadda saaray Jidadaka, Caafinaadka, Waxbarahada iyo Maareynta Biyaha xili roobaadka.
Maamulka gobolka oo uu wakiil ka ahaa Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka mdane xiirey axmed Rooble ayaana suaalaha waxgaradka ka jawaabey .













