Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
268

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda iyo xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa loogu hadlay xaaladihii ugu dambeeyay iyo saameynta dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-Nino ee ka da’ay Caasimadda dalka ee Muqdisho, soo celinta nadaafada iyo bilicda iyo dardargelinta amniga guud ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here