Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay muwaadin Ramla Cabdullaahi Cali oo dalka dib ugu soo laabatay kaddib markii muddo 6 bilood ah ay xaalad caafimaad ugu maqneed dalka Hindiya, maadaama xanuun ka haleeyay lugta bidix oo ay la dhibanayd dalka gudihiisa wax loogu qaban waayay.
Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 3-dii Abriil 2023 Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Ramla Cabdullaahi Cali, asiga oo markii uu arkay xanuunka daran oo ay la nooleed kadib ka-faalad qaaday xaaladeeda caafimaad isla markaana u diray dalka Hindiya, taasoo keentay in maanta iyadoo caafimaad qabta dalka dib ugu soo laabatay.
Ugu dambeyn, Hooyo Faaduma Cumar Muudeey ayaa ugu mahadcelisay Duqa Magaalada Muqdisho kaalinta lama ilaawaanka ah oo uu ka qaatay in dalka Hindiya lagu soo daaweeyo Gabadheeda Ramla oo markii hore loo sheegay in xaaladeeda caafimaad aan wax laga qaban karin, balse ee sheegtay illaah ka sokow in Guddoomiye Madaale uu sabab u noqday in ay caafimaad hesho Gabadheeda Ramla Cabdullaahi Cali.















