Guddoomiye Cali Yare oo Shir Guddoomiye kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir/Sawiro.

0
23

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ujeedkiisu ahaa xoojinta sugida amniga Caasimadda kaas oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimayaal.

 

Shirkan oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ayaa inta uu socday waxaa aad loo falan qeeyay sidii loo xalin lahaa caqabadaha kajira dhinaca amniga iyo la dagaalanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta bulshada.

 

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa shirka kadib Warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay sidii amniga Caadimadda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here