Bannaanbax lagu taageeray dagaalka looga horjeedo Maandooriyaha oo lagu qabtay Muqdisho: SAWIRRO

0
363

Boqollaal dhallinyaro ah ayaa isugu soo baxday qaar ka mid waddooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaasoo socod ku yimid Taallada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, waxaana ujeedka bannaanbaxa uu ahaa mid ay dhallinyarada Caasimadda ku taageerayeen hawlgallada uu Maamulka Gobolka Banaadir kula dagaallamayo ka ganacsiga iyo isticmaalka Maandooriyaha.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdikaafi Maxamud Makaraan oo dibadbaxa la hadlay ayaa u mahadceliyay dhallinyarada isugu soo baxday waddooyinka Muqdisho, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aaddan muhiimadda ay bulshada u leedahay in laga hortago maandooriyaha, kaasoo halis ku ah xasilloonida dalka iyo mustaqbalka dhallinyarada.

“Dal marka la rabo in la burburiyo, waxaa lagala diriraa dhallinyarada,” ayuu yiri guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isagoo ku daray hadalkiisa, in maandooriyaha uu dhibaato ku yahay dhallinyarada, isaga oo sheegay in daroogadu ay jir ahaan iyo naf u burburiso qofka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhawaan soo saaray amar ah in dadka ka ganacaada mukhaadaraadka iyo kuwa isticmaala ay ula dagaallamayaan sida Khawaarijta oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here