VIDEO: Duqa Muqdisho oo ka Qayb-galay xuska Shuhaddadii ku Dhintay Qaraxyadii Isgoyska Zoope: SAWIRRO

0
416

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ayaa kumannaan shacab ah kala qayb-galay duco iyo xus loo sameeyay shuhaddadii ku naf-waayay dhacdooyinkii murugada lahaa ee 14-ka Oktoobar 2017-ka iyo 29-kii Oktoobar 2022 ee ka dhacay isgoyska Zobe ee Muqdisho, taasoo ay khawaarijta ku xasuuqeen maato aan waxba galabsan oo isugu jiray waayeel, carruur, haween iyo dhallinyarro.

Ugu dambeyn, Isku soo baxa bulsho ee loogu duceenayay shuhaddada ayaa dhiig-shubis loogu sameeyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca shacabka, iyada oo bulshada Gobolka Banaadir ay cod-dheer ku taageereen dagaalka sifeynta khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka, kaasoo uu hormuud u yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here