SAWIRRO: Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir oo baaris caafimaad u sameysay dadkii ay roobabku saameeyeen

0
190

Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir ayaa maanta baaris caafimaad u sameeyeen dadkii kasoo barakacay xaafadaha degmada Warta Nabadda oo guryihii ay daganaayeen ay qaadeen daadad.

Dadkan oo saameyn ku yeeshay roobkii da’ay ayaa xalay seexday xarunta degmada Warta Nabadda ka dib markii ay u gurmadeen maamulka Gobolka Banaadir.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Mudane Dr. C/raxmaan Axmed Maxamuud ayaa booqday xarunta ay ka socotay hawsha Caafimaadka iyo gurmadka loo sameynayo dadkaas.

Sidoo kale, Agaasimaha oo fulinayo amarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii adeeg caafimaad oo tayo sare leh ay u heli lahaayeen dadka soo barakacay ee saameynta uu ku yeeshay roobkii ka da’ay Caasimadda.

Ugu dambwyn, Agaasimaha waxaa ku wehlinaayay kormeerka guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda iyo guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here