DAAWO: Dowladda Somalia oo Dalka kusoo celisay Arday laga soo badbaadiyay Colaadda Suudaan: SAWIRRO

0
342

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka kusoo celisay 123 qof oo ku xanibnaa dalka Suudaan, kuwaas oo u badan arday, iyadoo sama-tabixinta muwaadiniintan ayaa dadaal dheer loosoo galay.

Mudiniintan laga soo badbaadiyay colaada Suudaan ayaa 78 ka mid ah waxaa lasoo dajiyay Muqdisho, halka 45 kalena laga dajiyay Magaalada Garoowe, Puntland.

Sidoo kale, Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Itoobiya ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis Ababa, mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiirka arrimaha dibadda iyo Wasiirka Waxbarashada ayaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay 78 ruux, halka 45-kii laga dajiyay magaalada Garoowe ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, Waa markii labaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay dalka kusoo celiso muwaadiniin kasoo baxsaday dagaallada ka socda Suudaan, waxa ayna horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadin oo laga soo qaaday waddanka Koonfurta Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here