Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Aadan Xaadow oo uu wahliyo safiirka Somalia ee South Sudan, Danjire C/xakiin C/llaahi Cumar (Cameey) iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Sudan ayaa kulan kula qaatay 102 qof Muwaadin oo u badan arday kuwaasoo laga soo samata-bixiyay dagaalka ka socda dalka Suudaan.
Muwaadiniintan oo safar dhulka ah kusoo gaaray illaa xuduudda dalka South Sudan la leedahay dalka Suudaan ayaa waxaa iska kaashaday samata-bixintooda safaaradda Soomaaliya ee South Sudan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.
Sidoo kale, Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa kasoo kala galay labo magaalo oo ku yaalla xuduudka kala qaybisa labada dal ee Suudaan iyo South Sudan oo la kala yiraahdo Ranka iyo Baaluuj.
Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo lagu soo samata-bixinaayo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku cararaya dagaalka ka socda Suudaan.













