GUDDOOMIYE YABOOH: Dadkii aan ugu tagnay goobihii la xiray ee Liido qaarkood innagaa dhar u raadinnay: MUUQAAL

0
190

Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo Amniga Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay kulan dood wadaag ah oo madaxda maamulka Gobolka ay uga jawaabayeen su’aalo ay shacabka Caasimadda ku nool weydiinayeen ayaa ka hadlay sababihii keenay in la xiro kalaabyo ku yaalla Xeebta Liido.

Mudane Yabooh ayaa sheegay in wixii ay uhu tageen Liido ay ahaayeen wax aan u wanaagsanayn Diinta Islaamka iyo weliba dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in go’aanka ay qaateen markii ay halkaas tageen uu ahaa mid ay ku qasbanaayeen.

“Wixii aan Liido ugu tagnay ma ahan wax uu fiirsan karo qof Soomaali ah ama qof Islaam ah, dadka su’aalaha ka keenayna ma ahan wixii aan meesha ku aragnay wax ay suureysan karaan,” ayuu yiri Yabooh oo sheegay in tallaabadaas ay ahayd mid ay ku dhiirradeen.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka oo dhan aysan fahmi karin sababtii kaliftay in Duqa Muqdisho uu adeegsado ul si uu xumaanta u suuliyo.

“Waxa shatiyada ugu qoran iyo waxa ay ku hayaan goobahooda wax is leh ma ahan, dadka su’aalaha ka keenayana wax badan kama oga wixii meelahaas ka socday,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadie.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Yabooh ayaa ku sheegay hadalkiisa in dhallinyaradii ay ugu tageen goobaha la xiray ay iyagu dhar u raadsheen, taasoo ahayd waxyaabihii aan la rumeysan karin ku arkeen goobtaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here