Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed (Jaketti) oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Maxuud Jamac (Baarqab) iyo masuuliyiin kale ayaa deeq shiin ah gaarsiiyay qoysas dan yar ah.
Deeqdaan oo ka koobeed Bur, Sonkor, Bariis, Caano iyo timir ayaa loo qeybiyay 200 oo qoys oo danyar ah, kuwaas oo ka kala yimid 17ka degmo ee gobolka Banaadir.
Dadka ka faa’iideestay deeqda ayaa ka mahadceliyay deeqda la soo gaarsiiyay, xli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed (Jaketti) ayaa sheegtay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay caawinta qoysaska danta yar ee ku nool Caasimaadda.
Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Maxuud Jamac (Baarqab) ayaa dhankeeda ku baaqyada in la taageero dadka dan yarta ah aan heysan waxey ku afuraan madaama lagu guda jiro bishii raxmadda.














