Dowladda Faransiiska oo maanta si rasmi ah uga cafisay Soomaaliya lacag dayn ah oo gaaraysa 145.6 Milyan oo Doollar: SAWIRRO

0
31

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska lagu soo gunaanadayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa Dowladda Soomaaliya, safiirka dowladda Faransiiska ee Kenya iyo Soomaaliya, Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, waxaana goob-joog ka ahaa kulanka safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Heshiiskan ayaa waxa uu soo maray wada-xaajood wajiyo badan lahaa, sidoo kalena daba socda go’aankii ay gaareen horaantii sanadkan waddamada ku bahoobay ururka Paris Club ayaa maanta suuro-galiyay in dowladda Soomaaliya si rasmi ah looga saamaxay deyn dhan 145.6 Milyan oo Doolar, taas oo dowladda Faransiiska ay ka tirtirtay buuggeeda deymaha.

Wasiirka Maaliyadda XF Somalia, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyay dowladda iyo shacabka Faransiiska, sida garashada leh ee ay u garab-istaageen dowladda Soomaaliya iyo saamaxaadda lacagihii ay ku lahaayeed dowladda.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia waxa ay dadaal xooggan ugu jirtaa dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo soo gaba-gaboobay dabayaaqadii sanadkii 2023-kii, Wasaaradda Maaliyadda XFS oo hormuud u ah wada-xaajoodka shaqsi-shaqsiga ah ee dalalka deymaha leh ayaa hadda rajo weyn ka qabta gaba-gabeynta hannaanka lagu tirtirayo dhammaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here