Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir oo ku Dhawaaqay Ballan-qaad Buuxa: DAAWO

0
649

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed oo ka hadlay daahfurka golaha mihmadlayaasha caafimaadka Qaranka oo Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in uu golahan kaalin ka qaadanayo sidii kor loogu qaadi lahaa caafimaadka dalka.

Kulankan daahfurka ah oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda caadimaadka XFS, ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay ku tilmaameen tallaabadan mid ay ahayd in muddo hore la qaado.

“Waxaan soo dhaweynaynaa golaha daah-furkiisa aan joogo. Agaasinka caafimaadka Gobolka Banaadir ahaan waan bogaadinaynaa golahan oo looga fadhiyo wax ka wabashada caafimaadka dalka” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Axmed.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu doonayo inuu adeegga caafimaadka magaaladan uu daadajiyo, maadaama magaaladan ay ku nool yihiin in ka badan 3-milyan oo qof, isagoo xusay in haddii caafimaadka magaaladan uu hagaago uu waddanka oo dhan caafimaadkiisu hagaagayo.

Dhanka kale, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, waa hay’add madax-bannaan oo shaqadeedu tahay in bulshada Soomaaliyeed ay ka ilaaliso ku xad-gudubka caafimaadka iyo horumarinta heerarka anshaxa ee xirfadlayaasha caafimaadka, waxayna wax ka beddeli doontaa hannaanka guud ee caafimaadka dalkeena maadaama bushadeennu baahi u qabto caafimaad tayeysan oo gaara goob kasta oo ka mid ah dalka, si loo hello bulsho bedqabta oo laga fikiray tayada caafimaadka ay mudan yihiin inay helaan.

Ugh dambeyn, Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ballan-qaaday inay si dhaw ula shaqeynayaan Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee loosoo gaabiyo (NHPC), kaasoo la daahfuray Talaaladii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here