MUUQAAL: Ciidamo ka tirsan Booliiska Somalia oo Tababar aqoon-kororsi ah looga furay Muqdisho: SAWIRRO

0
410

Wasaradda Amniga Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Maanta tababar u furay dufcadii 2-aad oo tababar cusboonaysiin ah u furay ciidamo ka tirsan boliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo la barayo xirfado dheeraad ah.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jem. Sulub Axmed Firin ayaa sheegay inay tababarkan mari doonaan dhammaan ciidanka booliiska si xirfadaha loogu cusboonaysiiyo, maadama ay in muddo ah shaqeynayeen.

“Maandooriyaha waa in aan bulshadeenna kala dagaallannaa, waa mid cadow ku ah dadkeena, khatartiisuna ay badan tahay,” ayuu yiri taliyaha ciidanka booliiska, Jen. Sulub Firin oo ciidamada hadal u jeediyay.

Sidoo kale, Wasiir u dowlaha wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa hadalo u badan dardaaran u jeediyay ciidamada tababarka loo furay, isagoo ka dalbaday in aqoonta la siiyo ay noqoto mid ay bulshadooda ugu adeegaan.

“Waa in shacabka Soomaaliyeed ku farxaan markay arkaan ciidanka, taasna waxaa lagu heli karaa in aad wanaajisaan sida aad ula dhaqmeysaan,” ayuu Wasiir Xagaa kula dardaarmay ciidamada ka tirsan booliiska oo tababarka looga furay xerada Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Wasiir-u-dowlaha Amniga iyo taliyaha booliiska ayaa ciidankan kula dardaarmay inay mar walba u shaqeeyaan Bulshada Soomaaliyeed, u dhimriyaan una dhaga nuglaadaan dadyowga ku dhaqan dalka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here