Gudoomiye Madaale oo Abaal-mariyay Abwaankii curiyay heesta baddeenu iib ma aha iyo fanaanadii ku luuqeysay: SAWIRRO

0
396

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Feysal Carraale Afrax, ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar shahaado sharaf ku guddoonsiiyay abwaan Salaad Cabdulle Caadle iyo fanaanad Caasho-kiin Cilmi Xaashi.

Labada muwaadin ayaa shahaado sharafta loo gudoonsiiyay in lagu dhiirri-geliyo doorkooda wacyigalinta bulshada iyo xoojinta dareenka waddaniyadeed ee la xiriira difaaca madax-bannaanida dhuleed iyo badeed ee dalkeena, iyadoo abwaan Salaad C/lle Caadle uu yahay abwaanka curiyay ereyada heesta baddeenu iib ma aha, halka fanaanad Caasho-kiin ay ku luuqeysay heestaas. Waxaa lagu dhiirri-geliyay in ay halkaas kasii wadaan u adeegidda Qaranka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here