Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Mss. Catriona Laing ayaa warbixin ku saabasan arrimaha Soomaaliya oo ay ka jeedisay maanta shirka Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegtay in heshiiskii is-afgarad ahaa ee ay kala saxiixdeen 1-dii bishii Jannaayo Itoobiya iyo Somaliland uu xiisad xooggan ka abuuray gobolka.
Cateiona ayaa sheegtay in heshiiskaas oo dhigayay in Itoobiya la siiyo 20-km oo dhul ah oo ay saldhig ka dhigato, Somaliland-na ay hesho faa’iidooyin dhaqaale iyo mid siyaasadeed uu abuuray jahwareer, ayna madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed si adag uga fal celiyeen heshiiskaas.
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud si cad ayuu uga hadlay arrinta ku sabsan heshiiska. Waxaa walaac badan laga qabaa inay ka faa’iideysato xiisadda kooxda Al-shabaab oo ay dhici karto inay dib isugu abaabusho.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale ku celinayay baaqoodii ahaa ahaa; inay lama taabtaan tahay madax-bannaanida dhuleed iyo wadajirka guud ee Soomaaliya. Waxayna ugu yeereen labada dowladood inay yeeshaan wadahadallo nabadeed oo laguna xallinayo xiisadda taagan.
Ugu dambeyn, ergaygu waxay ku sheegtay khudbaddeeda inay soo dhaweynayaan go’aannadii kasoo baxay shirkii Ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay Addis Ababa-Itoobiya.













