Waa kuma Laacibka uu Kylian Mbeppe u arko in aysan ka maarmin PSG xilli cayaareedka soo socda?

0
456

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain, Kylian Mbappe ayaa kooxda ka codsaday in heshiis cusub laga saxiixo daafaca dhexe ee reer Spain ee Sergio Ramos.

Ramos oo xagaagii 2021-kii kooxda kusoo biiray ayaa heshiiskiisu dhacayaa xgagagan, waxaana jiray warar sheegayay in qandaraaska uu kooxda PSG kula joogo aan loo kordhinayn.

Telefishinka El Chiringuito ee ka faallooda isboortiga oo xaruntiisu tahay dalka Spain ayaa bahiyay in cayaaryahan Mbappe oo aaminsan hab cayaareedka Ramos uu ka weydiistay maamulka kooxda PSG inuu sii joogo, heshiiskana loo kordhiyo.

Heshiiska cusu ee Sergio Ramos la filayo in uu u saxiixo naadiga PSG uu noqdo hal sano oo uu sidoo kale uu sameyn karo mushaar dhimis.

Dhanka kale, Laacibka reer France, Mbappe ayay warbaahintu sheegaysaa in heshiis kordhintii uu sanadkii hore kooxda PSG u sameeyay qodobbadii lagu heshiiyay ay ka mid ahaayeen inuu awood dheeraad ah yeesho oo go’aamada qaar uu isagu wax ka gaari karo.

Sidoo kale, Kylian Mbappe ayaa la filayaa inuu hormuud u noqdo waayo cusub oo u billaabmaya kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda, kaddib markii ay kooxda ka tagaan labada laacib ee kala ah; Lionel Messi iyo Neymar Jr.

Mbappe ayaa si aad ah u doonaya inay la joogaan kooxda ciyaartoyda ay ka go’an tahay inay guulo horseedaan, waxa uuna u arkaa Sergio Ramos u arkaa mid ka mid ah cayaartoydaas.

Ugu dambeyn, Lionel Messi heshiiskiisa kooxda ayaa waxa uu la mid yahay kan uu Sergio Ramos kula joogo PSG, balse wali wax heshiis kordhin ah iskuma fahmin kooxda, waxaana loo badinayaa inuu ka tago xagaaga soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here