Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Somalia, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa sheegay in cid walba uu sharcigu qabanayo, marka laga hadlayo musuqmaasuq oo uusan noqon doonin mid ku koobnaada saraashiisha hoose ee dowladda oo keliya.
Wasiirka ayaa sheegay in musuqmaasuqa uu yahay mid ay meel adag ka taagan yihiin oo aan loo dulqaadanayn in la musuqmaasuqo hantida dadweynaha. Waxa uuna wasiirku hadalkan ka sheegay kulan dood wadaag ah oo Muqdisho lagu qabtay.
“Qofna lagu dulmin mayo in uu yahay sarkaal hoose. Qofnna kuma baxsanayo in uu yahay Sarkaal sare, marka hawshu joogto Musuqmaasuq,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin oo ka jawaabay su’aal ahayd in la beegsado oo keliya dadka jilicsan ee ku jira dowladda.
Sidoo kale, Wasiirka Cadaaladda ayaa si cad u sheegay in musuqmaasuqa ay u arkaan in uu yahay cadow, isagoo xusay in ay la dirirayaan, uuna dagaalku ay kula jiraan uu yahay mid ka go’naasho ku yimid, isagoo bayaaniyay in waxa musuq-maasuqa la dagaalaya aysan ahayn shaqsiyaad ee ay yihiin hay’adaha dowladda ee u xilsaaran.
Hadalka, Wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay dowladdu xabaiga u taxaabtay saraakiil lagu eedeeyay inay ku kaceen lunsasho hanti-dadweyne, qaar ka mid ahna ay baxsadeen.
Ugu dambeyn, Wasiirka Cadaaladda ayaa sheegay in sarkaal walba oo lagu tuhmo in uu musuqmaasuq ku kacay lala xisaabtami doono, isagoo carrabka ku dhuftay in cadaaladda horteeda loo sinnaan doono.













