Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dhawaan dalka oo dhan laga billaabayo bixinta kararka aqoonsiga dadweynaha.
Wasiir Fiqi, ayaa daboolka ka rogay inuu qorshahan lagu bixinayo aqoonsiga dadweynaha uu yahay mid ku cusub dalka, sidaa awgeed loo baahan yahay in qof kasta oo muwaadin ah uu ka qaybqaato sidii loo hirgalin lahaa.
Sidoo ke, wasiirka ayaa xusay in waqtiyada soo socda loo hawl-galayo fulinta mashruuca aqoonsiga dadweynaha, gaar ahaan bixinta kaararka aqoonsiga Qaran oo uu tilmaamay inuu yahay mid isku furaya dalka iyo waddamada dariska ah.
Ugu dambeyn, maareeyaha hay’adda diiwaan-gelinta dadweynaha iyo aqoonsiga Qaranka, ayaa sheegay in habraaca diwaan-galinta aqoonsiga ay ujeeddadiisu tahay in qofka muwaadinka ah laga hayo xogta ugu yar ee qofka lagu ogaan karo.













