Guddoomiye Yabooh iyo Ma’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo Shacabka Caasimadda kula ciiday Beerta Daaruslaaam: SAWIRRO

0
557

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghaya guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Carraale Afrax iuo Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa shacabka caasimadda kula ciiday beerya Daarusalaam ee Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ja socday Gobolka Banaadir waxaa deegaanka Daaruslaaam kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha deegaankaas, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud oo sheegay in maalmaha ciidda ay dadweyne fara badan u soo damaashaad tagaan deegaanka, gaar ahaan Beerta Daarusalaam oo ah goobta ugu weyn ee loo dalxiis tago oo ku taalla Caasimadda.

Sudoo kale, Guddoomiye Yabooh iyo Xoghaye Afrax ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay shacabka Soomaaliyeed kula ciidaan deegaanka Daarusalaam, iyagoo sheegay in Beertu ay tahay mid si wanaagsan looga shaqeeyay si shacabka u yimaada dalxiiska looga haqabtiro baahiyaha ay qabaan.

Ugu dambeyn, Ma’uuliyiinta Gobolka ayaa sheegay in amniga deegaanka uu yahay mid la isku halleyn karo, ayna shacbka ugu baaqayaan inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si ammaanka deegaanka uu u noqdo mid aan liicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here