Shirweynaha Madasha isku-duwidda Arrimaha Bani’aadanimo ee Dalka Somalia oo ka furmay Baydhabo: SAWIRRO

0
483

Agaasimaha Waaxda Samafalka iyo Maareynta Musiibooyinka Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Muxyadiin Oogle ayaa ka qayb-galaya shirka madasha isku-duwidda arrimaha bani’aadamnimo oo ay qabanqaabisay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, waxaana shirkan maanta ka furay Baydhabo Ra’isul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Shirkan heerka federaal waxaa ka qayb-galay, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed,Gobolka Banaadir iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaaladda bini’aadamnimo ee dalka, xasilinta goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo xaaladda El-Niño ee waddankeena ku soo wajahan, waxaana daahfurkiisa Ra’iisul wasaare Saalax ku wehliyay ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here