GUDDOOMIYE YABOOH: Ciyaal-weero waxaa lagu soo afjaray iskaashi dhex-maray shacabka iyo dowladda: VIDEO

0
347

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in ciyaal-weeradii dhibaatada ku haysay shacabka Soomaaliyeed lagu soo afjaray iskaashi dhexmaray Dowladda iyo shacabka ku nool Caasimadda.

Guddoomiye Yabooh ayaa hadalkan ka sheegay kulan looga hadlay xaaladda amni ee degmada Kaaraan, kaasoo maanta lagu qabtay xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir, laguna soo bandhigay amniga xilligan ka jira degmadaas oo ay shacabka ku nool dhibaato weyn ku hayeen ciyaalka loo yaqaan ciyaal-weerada.

“Ciyaal-weeradii degmada Kaaraan dhaca iyo dilka ka gaysan jiray waxa lagusoo afjaray iskaashi bulshada iyo dowladda dhex-maray,” ayuu ku sheegay guddoomiye Yabooh hadal uu ka jeediyay kulanka.

Ugu dambeyn, Degmada Kaaraan ayaa xilli habeen ah inta lagu jiro toddoaadkan lagu qabtay kulan loogu mahadcelinayay ciidanka xasilinta caasimadda oo shaqo wanaagsan la qabtay amniga caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here