Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan aan waalidiinta Soomaaliyeed laga rabin lacagta imtixaanaadka, ayna lacagtaas bixinayso dowladda Soomaaliya.
Xilliyada imtixaanaadka ayaa waaliddiinta Soomaaliyeed waxaa laga qaadi jiray lacag lagu sheegay inay tahay mid ardayga loogu sameynayo warqadda uu uga qayb-galayo Imtixaanka ee loo yaqaan Roll Number-ka oo uu haddii uusan ardaygu wadan uu seegayo imtixaanka.
“Waxaa farxad noo ah in aan mar kale la wadaagno waaliddiinta iyo ardayda Soomaaliyeed in qarashaadka imtixaanka ay bixinayso Dowladda Soomaaliya oo aan wax lacag ah oo imtixaanka la xiriirta (Roll Number) laga qaadi doonin ardayda,” ayuu Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ku yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa hadslkiisa ku daray: “Wasaaraddu waxa ay hore u ballan-qaadday in shahaadada ubadka Soomaaliyeed aan wax lacag ah laga qaadi doonin, tanna waa farxad kale oo u soo hoyatay waalidka Soomaaliyeed.”
Ugu dambeyn, Wasaaradda Hiddaha iyo Taclinta Sare ee Soomaaliya ayaa waxay qaadday tallaabooyin wax badan looga beddelay hannaankii waxbarasho ee dalka, iyadoo dhawaan qaadatay macallimiin cusub.













