Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Maanta taliska xoogga dalka ku wareejiyey deeq mucaawino ah oo ay ku dhiirri-gelinayan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku jira dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.
Mudane Yabooh oo hadal jeediyay ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid ay reer Muqdisho ku taageerayaan ciidanka xoogga dalka, waxa uuna xusay inay ka go’an tahay in wixii ay awoodaan ku garab-istaagayaan ciidanka Qalabka sida ee ku jira dagaalka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamed Baarqab oo hadal kooban ka jeedisay goobta deeqdan lagu wareejiyay ayaa tiri: “Waxa aan garab istaagi doonnaa ciidanka Qaranka mar walbana waxaa aan idiin rajeyhaa guul”.
Ugu dambeyn, Ciidanka Qalabka Sida ayaa dagaallo adag kula jira cadowga ummadda Soomaaliyeed, iyada oo weli ay dagaallada lagula jiro Khawaarijta ay ka socdaa qaar ka mid ah deegaannada dalka.













