Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay shirka guddoonka sare ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, iyaga oo ka warbixiyay shaqooyinka iyo hawlaha ka socda xafiisyada, caqabadaha iyo horumarrada laga gaaray dhinacyada maaliyadda, amniga, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo hawlaha guud.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Amiir ayaa kula dardaarmay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir sidii loo dardar-gelin lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo caasimadda iyo in bulshada gobolka Banaadir la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod sidii ay u soo dooran lahaayeen hoggaankooda.