Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadada Xalane ee xiriirisa Muqdisho iyo Jaziira.
Wadadan oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Caasimadda ayaa waxaa ku imaaday bur bur xoogan oo ka dhashay roobkii ka da’ay magalaada bilihii la soo dhaafay taas oo isticmaal keeda noqotay mid halis ah.
Muanasabadda Dhagax dhiga ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Xoghayaha guud iyo masuuliyiin kale.














