Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana dhaariyay garsoore, Saalax Shiikh Ibraahim oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka.
Dhabka kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ee la dhaariyay maanta ayaa xusay in laga doonayo inay xilkooda u gutaan si mas’uuliyadi ku jirto uguna adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirrada la dhaarshay oo tiradoodu lix wasiir ahayd, ayaa waxa ay kala ahaayeen:
1. Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana uu horay u ahaa; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
2. Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
3. Sen. C/llaahi Sh. Ismaaciil (Far-taag) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.
4. Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.
5. Mudane Maxamed Aadan Macallin, Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda.
6. Mudane Cumar Axmed Maxamed, Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Bay’ada iyo Isbeddelka Cimilada.




























