Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Somalalia, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo wasiirka difaaca dalka Kenye, mudane Aadan Barre Ducaale.
Labada dhinac ayaa gali doona wada-tashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardar-galinta hawlgalada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada xooggan ku haya shucuubta gobolka ku nool.














