Agaasimaha guud ee arrimaha bulshada wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdullaahi Aadan Muuse ayaa maanta kormeeray iskuulka 15-May ee degmada Warta Nabada, halkaas oo ay si bilaash ah wax ku bartaan arday badan.
Ujeedada kormeerka ayaa ahaa mid loogu kuur-gelayay xaaladaha ka jira iskuulkaas, waxaana agaasimaha arrimaha bulshada ku wehliyay kormeerka agaasimaha guud agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir, waxa ay shir la yeesheen maamulka iskuulka gacanta ku haya oo ah macallimiin Masaari ah iyo maamulkooda, iyaga oo ka dhageystay baahiyaha jira iyo caqabada taagaan.
Ugu dambeyn, Agaasimayaasha dowladda hoose ee Xamar ee maanta booqday iskuulka 15-ka May ayaa ballan-qaaday in ay wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira iskuulka.































